Baaritaanka

Haddii galmo aan la is ilaalin la sameeyay waxa mar kastaba fiican in la iska baadho cudurada galmada. Rabadhka galmada waa ilaalinta ugu fiican ee ka hortaga cudurada galmada laakiin xitaa haddii qofku mar kasta isticmaalo rabadhka waxa fiicnaan karta in la is baadho. Waxa jira cuduro galmo oo kala duwan kuwaas oo qaabab kala duwan u saameeya jidhka. Qaar ka mid ah cudurada galmada waa la arko mana la dareemo oo sidaas darteed waxa fiican in la is baadho xitaa haddii qofku aanu lahayn wax calaamado ah. Haddii qofku leeyahay cudur galmo waxa korodha u nuglaanshaha cudurada kale ee galmada iyo hiv. Marka la is baadho waxa qofku uu ku ogaan karaa haddii uu qofku qabo cudur galmo oo markaasi waxa laga taxadari karaa in la sii gudbiyo. Waxa kale oo qofku qaabkaas ku ogaanayaa caafimaadkiisa galmada. Infekshanada badankooda way sahlanyihiin in la daweeyo haddii lagu ogaado wakhti fiican.

Waa bilaash mar kasta in la iska baadho cudur jabtida u dhow, jabti, hiv, waraabow iyo cagaarshow.   

Is baadh haddii:                                       

  • Aad samaysay galmo bilaa ilaalin ah.
  • Rabadhka galmadu dilaacay ama siibtay.    
  • Aad ka shakisantahay inaad leedahay ama aad qaaday cudur galmo
  • Aad leedahay calaamad ama dhibaato muujinaysa inaad leedahay cudur galmo
  • Lamaanahaaga galmo leeyahay/leedahay cudur galmo