Xaqiiqda rabadhka galmada

Rabadhka galmadu waa ilaalin ka samaysan alaab khafiif ah, tusaale ahaan rabadh iyo balastiig, kaas oo lagu xidhi karo guska ama alaabta ciyaarta galmada xilliga galmada ama siigaysiga. Rabadhka galmada waxa lagaga hortagaa faafida cudurada galmada lagu kala qaado iyadoo xubnaha jilicsan ee jidhka, dheecaanada iyo shahwadu aanay is taabanayn. Rabadhka galmadu waxa kale oo uu xal wanaagsan yahay marka la doonayo in laga faa’idaysto galmo raaxo leh iyadoo aan loo baahanayn in laga wel-welo cudurada galmada lagu kala qaado ama uureysi aan la jeclaysan.

Rabadhka galmad waa khafiiif ah dhowr boqolkiiba hal millimitir oo waxa la helaa isagoo leh kala duwanaansho qiyaasyo, qaabab, dhadhan iyo alaabta uu ka samaysanyahay. Waxa jira xitaa rabadhka galmada ee siilka kaas oo la geliyo siilka ama futada taas oo baddel u ah in lagu xidho gus ama gus mac-mal ah.

Ta ugu wanaagsan waa in la tijaabiyo rabdhyo kala duwan si loo ogaado ka ugu haboon uguna raaxo badan qof ahaantaa iyo qofka lala samaynayo galmada. In lagu siigeysto rabadhka galmada waa qaab aad u wanaagsan in la tijaabiyo oo lagu tababarto aqoonta rabadhka galmada.