- Isku galmood
- Jinsiga iyo jinsi kale isku eekaysiin
- Dareenka la galmoodka iyo HBTQ (fahan guud oo koobaya himadaha galmoodka)
- Niyad u hayn
- Siigaysi
- Xidhiidhyada
- Dhibaatooyin kacsi
- Biyo bax xilli hore ah iyo mid raaga
- Sex och samlevnad
- Befintlig sida: Isku galmood
Isku galmood
Isku galmoodku waa qayb muhiim ah dhinaca nolosha dadka. Isku galmoodku waxa ka mid ah shakhsiyada jinsiga, dareenka rabitaan, jacayl isku galmood, niyad u hayn iyo taran. Isku galmoodku wuxu keeni karaa raaxaysi jidh iyo dareen ahaanba iyo farxad, naga dhigi karaa kuwa dareemaya wanaag oo naga caawiyaa inaanu samaysano xidhiidhyo. Waxa uu raad ku yeeshaa fikradahayaga iyo dareemadayada iyo sida aynu u aragno dadka kale iyo dunideenaba.
Isku galmoodka waxa mararka qaarkood loo isticmaalaa in dadka loo qaybiyo iyadoo ay sal u tahay kuwa xiiso geliya. In qof la jeclaado ama dareen rabitaan oo isu galmood loo qaado dad kale waxa ay qaar badan u arkaan wax wanaagsan. Xeerarka iyo rajooyinka bulshada ayaa mararka qaarkood wax adag ka dhiga in dareenka isku galmood la muujiyo oo la ahaado qofka la yahay ama la doonayo in la ahaado.
Xeerarku waa qawaaniinta aan qornayn ee go’aamiya waxa loo arko inay wanaagsanyihiin, la jecelyahay iyo ”caadi”. Noocyada xeerarka shaqaynayaa way isbeddelaan iyagoo ku xidhan wakhtiga, goobta iyo nidaamka. Mararka qaarkood waxa xeerarka ay is waafaqaan sharciyada rasmiga ah laakiin looma baahna inay mar kastaba sidaa ahaadaan. Dadka ku nool ama loo arko inay ku noolyihiin si raacsan xeerarka taagan waxa la siiyaa faa’iidooyi kala duwan iyo abaal marino. Halka kuwa aan sidaa samayn loo arko qaar ka duwan oo ay dhici karto in la takooro ama la ciqaabo. Tusaale waxa ah xeerka in qofku jeclaado lidka jinsigiisa (nin + naag) kaas oo ah xeerka bulsho ee ku salaysan in dhamaan la yahay kuwa jecel lidka jinsigooda. Tani waxay hogaamisaa sida ragga iyo haweenka ay tahay inay ahaadaan. Sida uu dhigayo xeerka nin + naag waxa suurtagal ah oo keliya in dadku ahaado rag ama haween, oo ragga iyo haweenka waxa laga filayaa inuu midiba ka kale xiiso gelinayo.