Xidhiidhyada

Xidhiidhyadayada jacayl waa u muhiim nolosheena. Waa wax saldhig u ah ammaan, diirimaad, xidhiidh qoto dheer iyo kalgacal. Laakiin waxa kale oo ay keeni karaan oo sababi karaan xanuun.

Bulshada maanta xeerka ah in laba la ahaadaa waa xoog. Waxay tahay in dadka laga filo inay ku noolaadaan xidhiidhyo lamaano ah. Laakiin waxa jira qaabab kale oo loo lahaan karo xidhiidhyo jacayl: waxa dhowr tusaale ah jacaylo dhowr ah oo isku mar ah oo raali la iskaga yahay iyadoo wax guur ahi aanu jirin, xidhiidhyo dhowr ah in la yeesho balse leh shuruudo iyo xidhiidhyo lamaane oggol in mid kastaaba yeelan karo xidhiidhyo kale.

Sababaha in la doono in laga hadlo xidhiidhyada jacayl way badnaan karaan. Mararka qaarkood waxay ku saabsantahay niyad u hayn ama awooda galmada, mararka kalena waxay ku saabsantahay jacaylka ama yaraanta jacaylka.

Waad nala soo xidhiidhi kartaan si loo helo taageero iyo wada-hadal ku saabsan xidhiidhyadaada jacayl.

 

Sharaf

Bulsho iyo koox kasta waxa ka jira xeerar, qawaaniin iyo fikrado ku saabsan galmada iyo wada noolaanshaha. Tani waxay ka shaqaysaa xitaa bulshooyinka iyo kooxa ay sharaftu u leedahay muhiimad weyn. Qaar ka mid ah xeerarkani waxay ku cadyihiin sharciyada ku saabsan sida tusaale ahaan aynu u samaysan karno qoys. Kuwa kale waa qaar aan qornayn. Qawaaniinta iyo aragtiyaha ku jiri kara fikrado sharafeed oo xoogan waxay xadayn karaan nolosha dadka. Tusaale ahaan qofka la oggolyahay in lala sameeyo galmo ama la guursanayo.

Mararka qaarkood xeerarka sharafeed waxa loo arki karaa kuwa aad u adag ama axmaqnimo ku ah gabdhaha iyo haweenka, laakiin waxa kale oo ay ahaan karaan kuwo xad u yeelaya ragga iyo dadka jinsi kale isku eekaysiiya. Waxa jira dhinacyo badan oo fikradaha sharafeed dartood ay keeni karaan in qofka ay dhibaato soo gaadho oo loo xanuusado.

Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan sharafta, dareemaysid hantidaad ama aanad garanayn sidad u maarayn lahayd xaalada aad ku jirtid, waxad ku soo dhawaataa wada-hadal aad nala yeelato. 

 

Dagaal jinsi iyo khasbid   

Galmadu badanaaba waa waxa keena raaxada. Laakiin galmadu waxa xaaladaha qaarkood loo isticmaali karaa awood wax baabiin ah. Dad badan waxay galmadu u tahay wax ka tirsan naftooda. In qofka galmadiisa lagu xadgudbo waxay keeni kartaa dhibaato weyn.

Dagalka jinsi wuxu ka jiraa xidhiidhyada jinsiga isku midka ah iyo kuwa jinsiga kala duwan labadaba oo waxu ahaan karaa waxyaabo badan oo kala duwan. Waxay ahaan kartaa in la isku khasbo dhacdooyin galmo oo qofku aanu niyad u hayn, laga soo bilaabo in qofka lagu yuuso si looga helo galmo iyo ilaa kufsi. Waxa kale oo ay ahaan kartaa in la isku khasbo in la daawado dhacdooyin galmo oo noocyo kala duwan ah ama la sawiro ama in qofka oo aan oggolayn laga duubo filim leh ujeedo galmo. Ku xad-gudubyada badankooda waxa sameeya qof qofka qaraabo u ah ama qof la is garanayo.

Xagayaga waxad ula soo xidhiidhi kartaa si loo helo taageero iyo wada-hadal haddii ay ku soo wajahday dagaal jinsi iyo khasbid.