Kacsiga

Guska oo kor u kaca ama kacsigu waa marka gusku adkaado. Gusku wuxu ka koobanyahay waxyaabo isku tagay oo dhisay kuwaas oo ay ka buuxsami karto dhiig oo kala baxaya, waana ta dhacda marka gusku kor u kaco. Waxyaabaha isku tagay ee dhisa guska waxay sii socdaan in yar ilaa gudaha jidhka oo waxa laga dareemi karaa inta u dhaxaysa xiniinyaha iyo futada. Gusku maaha muruq oo ma la tababari karo mana la dheerayn karo si uu u noqdo mid sii weyn. Marka la kacsado gusku wuxu u qalloocan karaa dhinac, laakiin xitaa wuxu ahaan karaa mid si fiican u toosan.

Kacsigu wuxu ku iman karaa fikrado iy riyooyin galmo, ama saameyn kala duwan sida ur, dhadhan ama sawiro. Waxa kale oo kacsi ku iman karaa in guska la salaaxo, la ruxo ama ay ku dhacaan gariiryo. Xilliga habeenki badanaaba waxa la kacsadaa 4-6 mar, tani waa dhaq-dhaqaaq jidh ahaaneed oo u dhaca si iskiis ah.