NAGU SAABSAN

Ku saabsan qaabilaada

Waxanu nahay qaabilaada galmada iyo wada noolaanshaha oo loogu talogalay dhammaan ragga ah 23 jir iyo ka weyn. Qaabilaadan waxa socodsiiya SLSO, aaga daryeelka bukaanka ee gobolka Stockholm. Halkan waxa lagu bixiyaa dhiig-qaadida iyo baaritaanka cudurada la kala qaado ee galmada iyo taageero wada-hadal dhinaca dhibaatooyinka galmada ama su’aalaha la xiriira galmada. 

Waxa noo shaqeeya kalkaalisooyin caafimaad, dhakhtar, la-taliye, dhakhtarka cudurada maskaxda, takhasuska galmada iyo dhaktarka cilmi-nafsiga. Haddii aad u baahantahay caawimaada turjubaan xilliga booqashadaada waanu kaa caawin karnaa arrintan.

Shaqadayada isbitaal-ahaan waxa intaas sii dheer inaanu ka shaqayno mashruucyo iyo inaanu bixino casharo ah dhinaca aaga aqoontayada.

Warbixino ku saabsan xilliyadayada furitaanka iyo kharashyada dhinaca booqashada waxad ku helaysaa ingiriisi iyo iswiidhish.