Eeg kiiskha xiniinyaha

Way fiicantahay in adigu qof ahaantaada aad baarto kiishka xiniinyaha iyo xiniinyahaaga mar mar si aad u barato sida caadi ahaan ay yihiin xiniinyuhu. Tani waxay keentaa inay sahlanaato in la helo wixi isbaddel ah ee dhici kara. Waxa ugu fudud in la baaro kiishka xiniinyaha iyadoo la taaganyahay, oo waxa fiican haddii la joogo meel diiran oo debacsan, tusaale ahaan marka la maydhanayo. Diirimaadku wuxuu keenaa in kiishka xiniinyuhu weynaado oo waxay keenaysaa inay sahlanaato in la dareemo xiniinyaha.

Samee sidan:

  1. Kor u qaad kiishka oo mid ka mid ah gacmahaaga ku qabo   
  2. Isticmaal faraha gacanta kale, talo ahaan suulka, farta murdisada  iyo far-dhexada   andra  
  3. Qabo oo si tartiib ah u dareen kolba hal xiniin 
  4. Ku soo dhamaystir in la taabto kiishka xiniinyaha gebi ahaantii. 

Xiniinyuhu waa in loo dareemo jileec, in yar sibiibix ka ah dusha oo ahaadaan kuwa siman. Cabbirku badanaaba wuu kala duwanyahay oo caadi ahaan xiniinka bidixda ayaa in yar weyn oo in yar kor u qaadan marka la barbardhigo ka midigta. Taataabasho ku raadi buur-buuryo adag, isbaddel ama bararyo. Buur-buuryada aadka u yar badanaaba maaha wax khatar ah laakiin haddii la dareemo wax isbaddel ah qaab ahaan iyo weynaanba waa in la raadsada daryeelka caafimaadka. Haddii ay xanuun keenayaan ama xiniin laga dareemo diirimaad iyo barar waxay astaan u noqon kartaa xanuun barar ah.  

Marka la samaynayo baaritaan dhakhtar ama kalkaalisooyin caafimaad ayaa taataabta xiniinyaha, wareega kaydiya shahwada iyo dhuunta qaada shahwada iyo xididada dhiiga ee ku jira kiishka xiniinyaha. Waxa kale oo qofka laga qaadayaa kaadi iyo mararka qaarkood oo loo baahan karo baaritaanka qalabka lagu eego qaybaha jidhka.