Kiriimada galmada

Kiriimada galmada waxa loo isticmaalaa si ay silbashadu u fiicnaato oo raaxo ay u noqoto marka la samaynayo galmada, siigaysiga ama isticmaalka alaabta ciyaarta galmada. Waxa muhiim ah in la isticmaalo kiriimada galmada marka la samaynayo galmada futada maadaama si dabiici ah qoyaan looga yeelan futada marka la kacsado. Waxa guska afkiisa hore lagu dhibcin karaa hal ama laba dhibcood oo kiriimada galmada ka hor intaan la xidhan rabadhka.

Marka kiriimada galmada lala isticmaalayo rabadhka waa inay ahaadaan kuwa ku salaysan biyaha ama silikoonta ama isku dhex darkooda. Alaabooyinka ku salaysan duxda sida saliida, faasaliinta ama kiriimka maqaarka waxay kharribaan rabadhka oo waxay keenaan inuu xumaado.

Kiriimada galmada ee biyaha ku salaysan waxbay nuugaan waanay qallalaan wakhti ka dib balse kuwa ku salaysan silikoonta way raagaan waanay sii qaalisanyihiin. Qaar ka mid ah alaabooyinka ciyaarta galmada iyo guska mac-malka ah ee ka kooban silikoonta way xumaadaan oo way ku milmaan kiriimada galmada ee ku salaysan silikoonta. Noocyadaas ah alaabooyinka ciyaarta galmada waa in loo isticmaalo kiriimada galmada ee ku salaysan biyaha.

Kiriimada galmadu waxay ahaan karaan kuwa leh ur ama dhadhan ama waxa ku jiri kara maadooyin diiran ama qabow. Waxa kale oo jira kiriimo galmo oo ka kooban maadooyin kordhiya wareegga dhiiga iyo kiriimo galmo oo leh maadooyin suuxin ah kuwaas oo raajin kara biyo soo baxa.  

Haddii qofku xasaasi yahay ama leeyahay maqaar xasaasi ah waxa fiican in la isticmaalo kiriimada galmada ee ku salaysan silikoonta oo aan lahayn wax lagu daray. Markaasi ma jirayaan wax khatar ah in la lahaado dareemo xasaasiyadeed.