Cabbirku micno ayuu leeyahay

Cabbirka rabadhyada waxa lagu bixiyaa dhinaca balaca. Balaca waxa la cabbiraa marka wareega rabadhku uu isku qabsanyahay. Waa balaca waxa go’aaminaya sida rabadhku noqonayo marka la xidho, maadaama ay xiriir la leedahay wareegga guska. Balaca rabadhyada kala duwanaanshihiisu waa inta u dhaxaysa qiyaasti 45 – 69 mm. Rabadh si fiican loo xidhay wuxu ku fiicanyahay in lagu sameeyo galmo. Haddii rabadhku aad ugu dhegan wuxu keenaa kacsi-jab, ama waxa dilaacaya rabadhka. Laakiin haddii rabadhku aad u weynyahay si fudud ayuu u siibanayaa. Si loo ogaado nooca cabbirka rabadhka ee haboon waxa la cabbiri karaa wareegga guska marka uu adagyahay. Ta ugu fiican waa in la tijaabiyo rabadhyo kala duwan oo sidaa lagu dareemo si loo ogaado nooca ugu fiican.

Tani waa tilmaamaha cabbirka ee rabadhyada oo ku salaysan wareegga gusku leeyahay:

Wareegga guska / Balaca rabadhka

  • 7-9 cm / 45-47 mm
  • 9-11 cm / 49-52 mm
  • 11-12 cm / 53-54 mm
  • 12-13 cm / 55-57 mm
  • 13-15 cm / 58-60 mm
  • 15-17 cm / 64 mm
  • 17-18 cm / 69 mm

Dherarka rabadhku mal aha wax micno ah oo weyn. Haddii rabadhku aad u dheeryahay waa la xammaarin karaa oo laga laabi karaa dhexda si loo duubo si buuxda. Xitaa waxa lagu guud xidhi karaa xiniinyaha haddii la doonayo. Haddii ay qofka ku adagtahay in rabadhku uu booskiisa ku fadhiisto waxa la isticmaali karaa rabadh wareegsan oo guska ah. Rabadhyada wareegsan ee gusku waxa kale oo ay caawinayaan in kacsigu raago oo raaxadu korodho.
Qaabilaadayada waxanu ku leenahay qol rabadhada ah oo gaar ah oo leh kala doorasho balaaran dhinaca rabadhada kala duwan.