Qanjirka ragga ee soo saara dheecaan raaca shahwadda

Qanjirkan wuxu ka koobanyahay qanjiro dhowr ah oo u samaysmay si wada-jir ah oo wuxu ku yaalaa hareeraha qaybta sare ee kaadi mareenka, si sax ah hoosta kaadi-haysta. Qanjirkan qaybtiisa dambe waxay ku ag taalaa malawadka qaybtiisa hoose oo waxa qanjirkan laga dareemi karaa qaybta hore ee malawadka. Qanjirkan oo caafimaad qabaa waxa cabbirkiisu yahay qiyaasti hal miraha looska ah oo waa mid aan dareen badan lahayn oo adag, qiyaastii sidi rabadh. Qanjirkan wuxu sameeyaa dheecaan kaas oo ku jira shahwada. Dareeraha qanjirkan wuxu u dhigmaa qiyaasti 20-30% ka mid ah biyo baxa. 

Qaybta ugu dareen badan ee G ama P

Qanjirkan waxa mararka qaarkood lagu sheegaa ninka qaybtiisa ugu dareenka badan ee G ama P, waa aag qooq leh kaas oo keeni kara dareemo niyad u hayn ah iyo biyo bax marka la dareen geliyo. Qaar badan waxay u arkaan inay raaxo leedahay in la masaajeeyo qanjirkan xilliga galmada. Qanjirkan waxa lagu dareen gelin karaa dhinaca futada, tusaale ahaan iyadoo la isticmaalo caawimaada faraha oo waxa uu ku yaalaa laba sentimitir oo ka sareysa kuna hortaala kiishka xiniinyaha. Marka la kacsanayo waxa barara qanjirkan taas oo keenta in si fudud loo dareemi karo. Haddii si fudud loo cadaadiyo qanjirkan waxa la dareemi karaa inuu is-giijinayo, ama sidi wax ay ka soo tuujismayaan guska. Xilliga dareen kicinta qanjirkan waxa iskeed u bilaabanta wax soo saarka. Iyadoo la adeegsanayo in la sameeyo tababaro is-giijin ah waxa la masaajayn karaa qanjirkan, oo dareen kicinta qanjirka waxay xoojin kartaa xilliga ugu macaan galmada. Dadka qaar waxay ka sheekeeyaan nooc xilliga ugu macaan galmada ah oo gaar ah, xilliga ugu macaan galmada ee qanjirkan.